Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil aad u xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay laga soo diiwaan geliyay ismaamulka Makueni ee dalka Kenya.
Shilkan oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay gaari nooca Mataatuuda oo ku rogmaday aagga loo yaqaan Kwa Mbisu oo dhacda galbeedka deegaanka Mbooni ee ismaamulka Makueni, halkaas oo ay ku dhinteen inka badan xubnood oo Kenyaan ah.
Warbaahinta Kenya ayaa soo warisay in shilkan marka hore khasaarihii uu ahaa 10 qof, sidoo kalena dhaawacyadu ahaayeen 8 xubnood, waxaana dhimashadu ay gaartay 12 xubnood, kaddib markii ay dhinteen 2 qof oo ka mid ahaa dadkii dhaawacyada qabay.
Sababta ka dambeysay shilka ayaa loo aaneeyay baabuurka Mataatuuda oo ahaa mid xowli ku socda, wadaha baabuurkaasina uu xakamayn waayay Controlka baabuurkaasi, taasina ay keentay inuu rogmado.