Wararka ka imaanaya dalka Yugaandha ee dhaca bariga qaaradda Afrika, ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 xubnood ay dhinteen, halka kuwa kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kadib markii ay biriq kula dhacday Kaniisad ku dhextaal xero barakac.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso saraakiisha ciidamada Booliska waxay sheegtay in Danabku ku dhacay kaniisadda oo ku dhextaal xerada Palabek ee degmada Lamwo ee waqooyiga Uganda.
Saraakiisha booliska oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in biriqda ku dhacday kaniisadda ay la socotay roobab halkaasi ka da’ayay, waxaana isla goobta laga qaaday dhaawacyada ugu yaraan 34 kale, sida laga soo xigtay taliska Booliska.
Si rasmi ah looma shaacin aqoonsiga ama magacyada dadka halkaasi ku naf-waayay, wallow xerada ay biriqdu ku dhacday ay u badnaayeen dad nasaaro ah oo kasoo jeeda Suudaanta Koonfureed sida ay sheegtay Reuters.
Ma ahan markii ugu horraysay oo dhacda tan la mid ah laga soo tabiyo dalka Uganda, 2020-kii ayay ahayd markii 10 carruur ah biriq ku dishay waqooyi galbeed ee magaalada Arua ee dalka Uganda, sanadkii 2011-kii, ayay ahayd markii sidaas oo kale biriq ugu dishay gudaha dalkasi 18 carruur ah iyo macallinkoodii.