Ugu yaraan 12 xubnood oo Kenyaan ah ayaa dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen kaddib shil xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay buundo kutaal ismaamulka Tharaka Nithi ee dhaca waddanka Kenya.
Shilka oo ahaa mid u dhaxeeyay Bus yar oo rakaab siday iyo baabuur kale oo ah nooca xamuulka fudud qaada, ayaa si gaar ah looga soo tabiyay buundada Nithi Bridge ee kutaal waddada xiriirisa Chuka-meru ee ismaamulka Tharaka Nithi .
Saraakiil ka tirsan booliska Kenya oo warbaahinta gudaha u waramay waxay sheegeen in shilkan ay ku nafwaayeen dhammaan dadkii rakaabka ahaa oo ka koobnaa siddeed xubnood oo haween ah, laba rag ah iyo labo dhallinyaro ah.
Wadaha gaariga Buska ah ayaa isaga iyo qof kale oo rakaab ah la xaqiijiyay in ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen shilka, waxaana la wariyay in dhaawacyadooda la geeyay cisbitaalka wayn ee magaalada Chuka, halka 12-ka xubnood ee dhacdadan shilka ku nafwaayayna maydadkooda la dhigay goobta meydadka la dhigo ee cisbitaalkaasi.
Saraakiisha ciidamada booliska oo dhacdada ka hadlayay waxay sheegeen in goobtaasi laga jiiday gaadiidka shilka galay oo uu burbur soo gaaray, waana mid ka mid ah shilalka gaadiid ee joogtada ka ah waddankaasi.
25-ka bishii ina dhaaftay ee Agoosto ayay ahayd markii shil baabuur oo ka dhacay jidka weyn ee isku xira magaalooyinka Eldoret iyo Malaba ay ku dhinteen ugu yaraan 5 xubnood oo Kenyaan ah.