Wararka laga helayo degmada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxey sheegayaan iney sii korortay khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmadaasi.
Shilka ayaa yimid kadib markii isku dhaceen labo gaari oo kala ah gaar Booyad ah iyo Dhayna ama Xamuul ah shilkaasi oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Inta la xaqiijiyay shilkaasi waxaa ku dhintay Afar ruux Todobo kalane weey ku dhaawacmeen oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Inta badan dhulka uu maamulo maamulka gaala raaca Puntland waxaa ka dhaca shilal gaari oo khasaara kala duwan sababo taasi oo sabab looga dhigayo burburka wadooyinka iyo darawalada oo si xowli ah ku wada gaadiidka.
Calamada.com