Inta la xaqiijiyay 21 qof oo Itoobiyaan ah ayaa dhintay kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay kula degtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda waxay ugu yeeraan socdaalka caalamiga ah ee urur gaaleedka qaramada midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM).
Doonida degtay ayaa la wariyay inay saarnaayeen 72 xubnood oo Itoobiyaan ah, waxayna kasoo shiraacatay xeebaha dalka Yeman, sida lagu sheegay warbixinta, marka laga soo tago 21-ka xubnood ee ku dhintay shilkaasi, waxaa sidoo kale jira 23 kale oo nolol iyo geeri aan midna lagu haynin.
Hayadda IOM ayaa sidoo kale sheegtay in marka hore la xaqiijiyay 16 xubnood, dibna laga xaqiijiyay in dhimashadu ay gaartay 21 xubnood, waxay sidoo kale sheegtay in doonidaas degtay ay ka badbaadeen 33 kale.
Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye ayaa Talaadadii shalay sheegtay in shan xubnood oo isugu jira haween iyo caruur ay ku dhinteen doonida qalibantay.