Waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Nasaarada Kenya lagu gaarsiiyay dagaal culus oo saaka aroortii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow iyo duleedka deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa si hordhac ah u baahisay in dagaalkaasi lagu dilay 57 askari oo Kenyaati ah kuwaasi oo meydadkooda ay daadsanyihiin goobta dagaalka uu ka dhacay’iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.
Sidoo kale Andalus ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen Ganiimo fara badan sida keydkii hubka ee ciidamada Kenya iyo tobaneeya gaadiid dagaal ah oo ciidamada Nasaarada Kenya kaga carareen saldhiga.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamada Kenya si ba’an loogu xasuuqay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka islamarkaana meydad fara badan oo askarta Kenya ah ay daadsanyihiin duleedka deegaankaasi.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kulbiyow sidoo kalane gacanta ay ku dhigeen saldhigii ciidamada Kenya iyo waxii hub iyo gadiid ahaa ee yaalay gudaha saldhigaasi.
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah gaalada kusoo duushay dalka Somaliya ayaa weeraro culus oo xasuuq ah kala kulma dhanka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona sanad ka hor ay aheed markii ku dhawaad 200 askari Kenyaati ah lagu dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobalka Gedo.
Calamada.com