Ciidamada maamulka Sahaayinada Yahuudda, waxay 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha marinka Gaza ka gaystay xasuuqyo kala duwan, kuwaas oo ay ku shahiideen inka badan 50 qof oo Falastiiniyiin ah.
Xasuuqyadu waxay gaarayeen ilaa 4 majzaro, waxaana ku shahiiday ilaa 52 qof oo falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen 142 kale, waxay sidoo kale ciidamadaasi ku kaceen duqaymo ka dhan ah cisbitaalka Kamaal cudwaan ee kuyaal waqooyiga marinka.
Ragga sida firfircoon usoo tabiya dhacdooyinka marinka Gaza waxay soo sheegeen in 26 ka mid ah dadka shahiiday ay ku dhinteen duqayn ka dhacday guryo kuyaal xerada qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha marinka dhacda, 60 kale inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ayaa la xaqiijiyay.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in 10 qof oo falastiiniyiin ah ku shahiideen duqeymo is xig-xigay oo ka dhacay goobo kale oo ka mid ah marinka go’doonsan ee Gaza.
Shan xubnood oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lasoo wariyay in ay ku shahiideen, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guryo ay degan yihiin dadka rayidka oo kuyaal Dayral balax iyo Rafax ee dhaca bartamaha iyo koonfurta Gaza.
Shuhadadu intaas way ka badanyihiin sida lasoo warinayo, waana qayb ka mid ah xasuuqyada isir sifaynta ee maamulka dhiigyacabka Netanyahu ka wado marinka go’doonsan, gaajada iyo haraadka ayaa u dheer reer Gaza duqaymaha ba’an ee lagu hayo.