Ugu yaraan 4 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday halka labaatan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib markii ciidamada Yahuuddu ay duqayn culus la beegsadeen madaraso ay ku barakaceen dad falastiiniyiin ah.
Duqeyntu waxay si gaar ah maanta u beegsatay iskuulka Camar Ibnul-caas, halkaas oo hoy u ah dad barakacayaal ah, waxayna madarasadan kutaallaa xaafadda Sheekh Ridwaan ee waqooyiga magaalada Gaza.
Ilo caafimaad ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha caafimaadka ay qaadeen 4 shuhado ah iyo 20 dhaawac ah oo ay ku jiraan carruur, taas oo ka dhalatay duqayntu Yahuuddu ku beesatay dugsiga.
Maanta kaliya duqaymo Yahuuddu ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee marinka Gaza, waxaa ku shahiiday 61 qof oo rayid ah, alka ay dhaawacyo ku noqdeen 162 kale oo abriyo ah.