Ciidamada maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa maanta oo Talaado mid ka mid ah weerarada ay ku gaysanayaan xasuuqyada isir sifaynta ah ee ay ka wadaan marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen inka badan 20 qof oo Falastiiniyiin ah.
Ciidanka sahaayinadu waxay beegsadeen guri ay ku sugnayeen dad qaxooti oo ka tirsan qoyska “Ar-Racdii”, kaasi oo kuyaal magaalada Bayt Laahiya ee dhaca waqooyiga Gaza, halkaas oo la xaqiijiyay inay ku shahiideen 20 Falastiiniyiin ah.
Duqayntan ayaa sii kordhisay khasaaraha ka dhashay xasuuqayada Yahuuddu Gaza ka gaysteen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaas oo hadda kor u dhaafay shuhadada in ka badan 70 Falastiiniyiin ah, kuwaas 45 ka mid ahna ku dhinteen waqooyiga Gaza, sida ay xaqiijiyeen ilo wareed caafimaad oo warbaahinta la hadlay.