Ciidamada Mujaahidinta Dhaalibaan ayaa dagaal culus ku qaaday saldhig maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul ay ka sameysteen deegaan ka tirsan gobalka Badagis.
Dagaalka oo socday saacada badan oo xiriir ah ayaa khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Kaabul kaasi oo askar iyo saraakiil fara badan looga laayay dagaalkaasi.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in dagaalkaasi culus lagu dilay inka badan 40 askari oo isugu jirta Boolis iyo Milatari kuwaasi oo ay ku jiraan saddex saraakiil sar sare ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa gacanta ku dhigay hubkii ay ku dagaalamayeen Afartankaasi askari ee lagu dilay dagaalka gobalka Badagis.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Daalibaan ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay kolanyo ka tirsan Murtadiinta kuwaasi oo gurmad u ahaa maleeshiyaatka la weeraray, iyadoona kamiinka khasaara kale ooh or leh lagu gaarsiiyay maamulka Murtad Ashraf Gani.
Dagaalkan culus ee ka dhacay Waqooy Galbeed ee dalka Afghanistan ayaa qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka Al-khandaq taasi oo ah mid si aad ah loogu dhiig bixinayo maleeshiyaatka Ridada iyo kuwa Saliibiyiinta Nato ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan.