Wararka ka imaanaya dalka Bangladesh waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi uu ka dhacay shil gaari kaasi oo sababay khasara kala duwan.
Shilkan waxa uu ka dhacay Deegaanka Kalaura oo (300) Saddex Boqol KM u jira Magaalada Dhaka oo ah Caasimadda dalkaasi, Iyadoona shilka uu yimid kadib markii uu Qalibmay Tareen Dad Badan ay la socdeen.
Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku dhintay inka Badan Shan ruux Boqol kalane waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalada dalka Bangladesh.
Dhanka Dalalka Kaamiruun Iyo Ugandha iyaguna waxaa ka dhacay Shilal gaari oo sababay Dhimashada (26) Lix Iyo Labaatan Ruux waxaana ku dhaawacmay Tiro intaasi ka badan, Waxaa dadka ku dhintay Shilalkaasi gaari u jira Dad u dhashay Dalka Shiinaha.
Calamada.com