Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxey sheegayaan in ciidamada Booliska Xabashida Itoobiya Xabsiga dhigeen Kumanaan ruux oo magaaladaasi ka waday dibad baxyo xoogan.
Taliyaha Booliska dowladda Xabashida Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay iney Xabsiga dhigeen dad kor u dhaafaya (1,200 ) Kun Iyo Labo Boqol oo ruux kuwaasi oo uu ku eedeeyay iney dhigeen dibad baxyo ka dhanka Amniga iyo guud ahaan dowlada.
Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay in Dibad baxyadaasi lagu boobay Hanti fara badan,waxa uu sidoo kale carabaabay in dibad baxyada intii ay socdeen ay dhinteen dad gaaraya Sideed iyo Labaatan Ruux kuwaasi oo uu carabaabay in Todobo ka mid ah ciidaamda Booliska ay si toos ah u toogteen.
Dibad baxyada oo si toos ah hadda u socda ku dhawaad Labo Todobaad oo ruux ah waxaa xoogiisa dhigaya Qowmiyadda Oromada kuwaasi oo asal ahaan doonaya iney ka go’aan dalka Itoobiya intiisa kale.
Dibadbaxyadan Rabshadaha wata laguna boobay Suuqyo waaweyn sababayna dhimasho,dhaawac iyo xarig ayaa ah mid fashil xoogan ku ah R/wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo maamulkaasi hadda ay si toos ah uga soo horjeesatay Qowmadiyadda uu isaga ka dhashay oo Oromada ah.
Calamada.com