Inta la hubo ugu yaraan 4 qof ayaa dhimatay halka 13 kalena ay dhaawacmeen, kaddib isbuurasho Jimcihii shalay ka dhacday xaflad ka socotay magaalo dhacda galbeedka waddankaasi.
Isbuurashadan ayaa timid kaddib markii ay dadka Kenyaanka ah u dareereen xaflad wayn oo lagu xusayay waxay ugu yeeraan maalinta geesiyaasha qaranka, taasi oo ka dhacday magaalada Kericho ee dhacda galbeedka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dadka qaarkood ay isku dayeen inay gudaha u galaan garoon ay isugu soo baxeen kumannaan qof oo lagu magacaabo garoonka Cagaaran.
Saraakiisha ciidanka booliska ayaa sheegay in dadka dhaawacyada qaba la geeyay cisbitaalka magaalada Kericho, qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay ayaa ku dhintay gudaha xaruntaasi caafimaad, kuwaas oo lagu sheegay illaa 4 qof, waxayna dhamaantood ahaayeen haween.
Numberka dhaawacyada oo ah 13 qof waxaa saddex ka mid ah lagu sheegay inay yihiin askar ka tirsan booliiska, dhacdooyinka isbuurasho ayaana badanaa ka dhaca gudaha Kenya marka ay jiraan isku soo baxyada iyo xafladaha waawayn, halkaas oo ay ka dhashaan khasaare nafeed.