Iska hor’imaadkan waxa uu habeenkii xalay gudaha degmada Hodan ee magaaada Muqdisho ku dhexmaray maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka.
Maleeshiyaatka dagaalamay ayaa kala ah Milatari iyo Nabadsugid kuwaasi inta dagaalkooda uu socday isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxaa ku dhaawacmay inka badan Shan ruux oo isugu jirta maleeshiyaatka Murtadiinta ee dhexdooda dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.
Iska hor’imaadkan ayaa yimid kadib maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka xabsiga dhigeen Saddex ka tirsan maleeshiyaatka Milatariga gaar ahaan qeybta ay tababartay dowlada Imaaraatka Carab’iyadoona muran dheer kadib halkaasi iska hor’imaad xoogan uu ka dhacay.
Maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan islamarkaana iska dilaan askar iyo saraakiil tiro kalane iska dhaawacaan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.