Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi ku dhexmaray iska hor’imaad u dhaxeeya maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka.
Maleeshiyaatkan ayaa dagaalamay kadib markii sarkaal ka tirsan saraakiisha maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan degmada Qansaxdheere uu is hor’istaag ku sameeyay maleeshiyaat doonayay iney gudaha galaan degmada kuwaasi oo ka yimid goobaha kale ee ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kaga suganyihiin gobalka Baay.
Muran dheer kadib waxaa halkaasi ka qarxay iska hor’imaad xoogan oo dhexmaray maleeshiyaat daacad u ah sarkaalka iyo maleeshiyaatkii doonayay iney degmada gudaha u galaan degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeen maamulka Murtad Shariif Sakiin ugu magacaaban degmada Qansaxdheere ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in iska hor’imaadkaasi uu ku dhintay hal askari Labo kalane ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah sarkaal uu ahaa.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa shaqo maalmood ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan iskana dhaawacaan askar iyo saraakiil.
Calamada.com    Â