Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in magaaladaas uu ka dhacay iska hor’imaad culus oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan murtadiinta, Iska hor’imaadkan hubeysan ayaana salka ku hayay is qabqabsi dhanka maamulka ah.
Ugu yaraan 4 askari oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaallamay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay degmada Bardaale oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan 2 guddoomiye oo midba uu sheeganayo inuu yahay kan saxda ah ee maamula degmada.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa xaqiijiyay in isku dhacyadii ka dhacay Bardaale oo ay weli xiisaddoodu ka taagan tahay magaaladaas ay ku dhaawacmeen illaa 10 qof, oo isugu jira dhinacyadii ay dirirtu dhex martay.
Isku dhacan ka dhacay degmada Bardaale ayaa kusoo beegmaya xilli iska hor’imaad kan la mid ah oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Riddada uu ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kaas oo ay isaga dileen ugu yaraan 1 askari halka ay iska dhaawaceen 2 kale oo uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Beylood.