Dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan murtadiinta ayaa caawa ka dhacay gudaha degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay isku fara saareen maleeshiyaadkii duullaanka ashahaada la dirirka ah ku tagay degmadaasi.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo wariyay in caawa mar qura rassaas culus laga maqlay gudaha degmada, kuwaas oo ay is dhaafsanayeen, maleeshiyaad lagu sheegay in uu hoggaamiyo murtad Saney Cabdulle iyo kuwa uu Uganda lagu soo tabobaray.
Khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed ayaa lasoo wariyay inay dhinacyadu kasoo gaareen isku dhacyada ku dhexmaray degmada Aadan-yabaal iyo qof shacab ah, afar ka mid ah dadka dhaawacmayay ayaa lagu sheegay inay labada dhinac kasoo kala jeedaan, halka qofka shanaad uu ahaa haweenay rayid ah.
Aadan yabaal, waxay ka mid tahay degmooyinka Sh/dhexe ee inta badan ka dhacaan iska hor’imaadyada hubeysan ee u dhaxeeya maleeshiyaadka murtadiinta, 11-kii Febuary ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeyay murtadiinta uu ka dhacay duleedka degmadaas, kaas oo ay isaga dileen saddex askari oo dhexdooda ah.