Ciidamo ka tirsan kuwa booliska dowladda Kenya ee ka howlgala magaalada Nayroobi iyo saraakiil ka tirsan waaxda canshuuraha, ayaa weerar ku qaaday xarumo gacansi oo kuyaal xaafadda Islii ee caasimadda Kenya, halkaas oo ay ka dhaceen iska hor’imaadyo lala galay ciidanka ammaanka.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in ciidanka booliska Kenya ay weerareen suuqa Soomaalidu leedahay ee Islii, waxayna weerarkaasi qaadeen iyagoo ku marmarsiyoonaya inay la dagaallamayaan caanaha gasacadaysan ee caruurta la siiyo, balse dadka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hortagay weerarka ay soo qaadeen ciidanka booliska.
Ilo wareedyadu waxay intaas kusii dareen in ciidamada booliska ay ganacsatada Soomaaliyeed u adeegsadeen sunta dadka ka ilmaysiisa, taas oo keentay in uu hakag ku yimaado dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxayna ganacsatadu si wayn u diideen howlgallada ay soo qaadeen ciidanka boolisak iyo saraakiisha dowladda Kenya.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay weerarkaasi qaadeen kaddib markii lagu soo wargeliyay in suuqan lagu iibiyo caanaha gasacadaysan ee loo yaqaan caana booraha, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay kontarabbaan kusoo galeen suuqa.