Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya iska hor’imaadkii maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo u dhaxeeyay maleeshiyada booliska maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland iyo ilaalada Senator Ilyaas Gaboose.
Booliska kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa war uu soo saaray saacadihii lasoo dhaafay ku sheegay in iska hor’imaadkaasi looga dilay sarkaal boolis ah, waxay sidoo kale cambaareeyeen weeraekaasi oo lagu beegsaday mid ka mid ah xubnaha mucaaradsan Axmed Madoobe, sidoo kalena u janjeera dhanka dowladda Riddada ah.
Waa markii 2-aad oo kooxda Riddada Somalia ay war kasoo saarto iska hor’imaadkii maalin ka hor ka dhacay aagga Hotel Agan ee magaalada Kismaayo, halkaas oo maleeshiyada uu madaxa u yahay Axmed Madoobe ay ku weerareen Ilyaas Gaboose, Fartaag oo murtadiinta u hadlay ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay madaxa maamulkaasi, si bareer ahna u weeraray siyaasiyiin iyo xubno u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi.
Dhanka kale, waxaa magaalada Kismaayo maanta ka socota doorashada uu markale isu caleemo saari doono Axmed Madoobe, waxaana hoolka kula sugan xubno uu wato oo qayb ka ah caana shubkiisa, balse lagu sheegay kuwa u tartamaya xilka madaxweyne ee maamulkaasi.