Wararka ka imaanaya dhulka Dowlada Xabashida Itoobiya xooga kaga heysata dadka Muslimiinta waxey sheegayaan in markale iska hor,imaadyo culus oo u dhaxeeya Qowmiyadaha Somalida iyo kuwa Oromada ay kasoo cusboonaadeen dhulkaasi.
Iska hor,imaadkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanada u dhaxeeya dhulalka ay kala dagaan Somalada iyo Qowmiyada Oromada,iyadoona iska hor,imaadkan ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya Labaatan Ruux.
Maamulka Tigreega ee xooga ku heysta Talada dalkaasi ayaa hoos ka riixayo iska hor,imaadyadaan waxaana uu isku dhacaan ku doonayaan inuu ku dabuulo ama ku qariyo Kacdoonka isaga ka dhanka ah ee ka socda gudaha Itoobiya.
Calamada.com