Maamulka dowladda Senegal ayaa shaaciyay in la dilay wiil dhalinyaro ah, kaddib isku soo baxyo waawayn iyo isku dhacyo rabshado wata oo ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo salka ku haya dib u dhigista doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, waxaana laga digayaa in saansaanta muuqato ay dalkaasi ka abuurto xassilooni darro socota muddo aad u dheer.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Senegal ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in hal qof oo arday ah lagu dilay magaalada Saint Louis, intii ay socdeen mudaaharaadyo rabshado wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo looga soo horjeeday go’aanka dib loogu dhigay doorashada.
Ciidamada ammaanka iyo dad mudaaharaadayay ayaa lasoo wariyay inay ku dagaallameen magaalada Dakar oo ah caasimadda dalkaasi iyo magaalooyinka kale. wiilka ku dhintay isku dhacyada rabshadaha wata ayaana magaciisa lagu sheegay Alpha Yero Tounkara.