Isku soo baxyo ballaaran ayaa saacadihii lasoo dhaafay markale gilgilay magaalada caasimadda u ah dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo isku dhacyo ku dhexmareen ciidamo ka tirsan booliska iyo dad shacab ah oo caraysan.
Banaanbaxa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Nairobi oo ahaa mid abaabulan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo dadka Kenyaanka ah ay ku diidanyihiin mashruuc maaliyadeed oo ay horay usoo kordhisay, kaasi oo dadka Kenyaanka ah amrayay inay bixiyaan lacago canshuur dheeraad ah, ka dib markii ay dowladdu soo wajahday dhaqaale yari.
Intii uu dibadbaxa ka socday magaalada Nairobi, isku dhacyo ayaa dhexmaray ciidanka booliska iyo dadka rayidka ah, ciidanka ammaanka ayaana dadka shacab ah ee kacdoonka wada u adeegsaday rassaas nool, taasi oo keentay dhimashada hal qof oo Kenyaan ah, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Dibadbaxyadii saacadihii lasoo dhaafay ay marti gelisay caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaa sidoo kale ka dhashay in uu joogsado dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee qaybo ka mid ah magaalada caasimada ah, dadka Keenyaanka ah ayaa dalbanaya in uu xukunka ka dago Wiliam Ruto, markii ay guul ka gaareen inay joojiyaan sharciga maaliyadda ee dhigaya in canshuuro dheeraad ah laga qaado dadka Kenyaanka ah.