Dowladda xabashida Itoobiya oo ka mid ah dowladaha duullaanka saliibiga ah ku jooga Soomaaliya, islamarkaana qaybta ka ah isbihaysiga ATMIS ayaa dalbtay in magdhow laga siiyo ciidamo fara badan oo looga dilay dalka.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa midowga gaalada Afrika u gudbisay, codsi ay ku doonayso in lacag magdhow ah laga siiyo, askartooda lagu laayay Soomaaliya iyo kuwa ku naafoobay dagaalladii ay la galeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askartii looga laayay Soomaaliya iyo kuwa ku naafoobay tan iyo sannadkii 2015 ilaa 2023, ayay dowladda xabashida Itoobiya dalbatay in la siiyo magdhawgooda, kuwa dhaawaca ahna loo qoro gunnooyin joogta ah.
Itoobiya ayaa dhowr bilood ka hor Urur gaaleedka Qaramada Midoobay u dirtay qoraal ay ku dalbatay in magdhow laga siiyo askar badan oo looga dilay Somalia, illaa haddana aysan helin jawaab cad oo ficil loo badalay.
Kumannaan ka tirsan ciidankada Xabashida Itoobiya ayaa lagu dilay Soomaaliya dhawr iyo taobankii Sano ee lasoo dhaafay, ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo lagu dhiig bixiyay la beegsaday ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka dullaanka ku jooga, waxaana u danbeeyay weerarkii bishii September ka dhacay duleedka Rabdhure ee wilaayada islaamiga ah ee Bakool, howlgalkaas oo lagu dilay ku dhawaad 300 oo askar Itoobiyaan ah.