Dowladda nasaarada xabashida Itoobiya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda millatariga, kaddib markii billowga bishan, uu Muuse Axmaar magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalkaas ugu saxiixay inay yeelato qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
General Alemeshet Degfe, oo ah La-taliyaha ciidanka xabashida ayaa isagoo ku sugan mid ka mid ah dugsiyada tabobar ee dalkiisa sheegay in saraakiil sare ay usoo dhameeyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaal, kaas oo uu sheegay inay uga golleeyihiin ka hor tagga waxa uu ugu yeeray cadowga Itoobiya ee dibadda iyo gudaha.
Alemeshet Degfe ayaa hadalkan ka sheegay xilli khudbad uu ka jeedinayay munaasabad uu tabobar ugu soo xirayay qaar ka mid ah saraakiisha taliska ciidanka difaaca Itoobiya, khudbadiisa ayuu sidoo kale ciidamadiisa ku faray inay ka feejignaadaan goobaha isku imaatinnada, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin buu yiri cadawga fog ee Itoobiya iyo shirqoollo lagu diidan yahay buu yiri horumarka dowladdiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalkan kasoo yeeray sarkaalkani Itoobiyaanka ah ayaa kusoo beegmaya, xilli dhowaan Muuse Axmaar uu Itoobiya u saxiixay inay qaadato qaybo ka mid ah khayraadka uu Allaah ku mannaystay umada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, gaar ahaan 20Km oo ka mid ah xeebaha dhaca waqooyi galbeed Soomaaliya.