Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Jalaal Talabani ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaal wadanka Jarmalka kadib sanado uu ka sheeganayay xanuun dhanka maskaxda ah, Zeynaba Siciid oo ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Ciraaq oo lagasoo doorto gobolka Kurdistan ayaa xaqiijisay geerida Talibani waxayna ku tilmaamtay musiibo qaran.
Xukuumadda Dabadhilifka Ciraaq ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in uu geeriyooday Jalaal Talibani oo ahaa Ninkii ugu horreeyay ee madaxweyne ka noqda wadanka sanaddii 2005 markii ay ciidamada Mareykanka qabsadeen Ciraaq.
Talabani ayaa ahaa dabadhilif taariikh madoow leh kadib markii dabaabaadka ciidanka Mareykanka ay ugelbiyeen magaalada Baqdaad Bishii April,2005 xilligaas oo lariday dowladdii Saddaam Xuseen wuxuuna wadanku xilligaas galay sanado gumeysi ah.
Sanaddii 1933 ayuu ku dhashay gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq, billaawgii kontomeeyadii ayuu aas-aasay xisbiga dimuquraadiga Kurdiyiinta wuuxuna ka qeyb galay inqilaabkii fashilka ee ka dhacay Ciraaq sanaddii 1963.
Ifka lagu cadaab gaal murtada oo galbaday weeye
Daba dhilif ku gaamuray shartiyo gaalo raac weeye
Good iyo abees dibu qalooc aan gud nayn weeye
Gafaniyo kud kude gadaf lohoo gogan maqaar keen dheh
Goodaado iyo jabis qatara iyo gun gume weeye
Jirjiroole geedaha koroo noo gabada weeye
Waa laba ganood abees goosan hilib keen dheh
Godka lagu cadaab meel xun bay gogosh tiil kaase
Inaan luqunta goyniyo inaan inaan sii gar dhigaayno
Godka lagu adaab meel xun giirka kiciyaaye
Asaga oo godob teen qabuu sii galbanayaaye
Guulaa ku ahadsane daalibaani geeridaw khayra