Sariyo ka tirsan ciidamada mujaahidiinta Nusratul islaam wal-muslimiin oo ka mid ah faracyada Al-qaacidda ee ka howlgala dhulka Maghribul islam, ayaa weerar culus oo cagmarin ah ku qaaday saldhig ciidanka Riddada Burkiina Faso ku leeyihiin mandiqadda Toysiin oo ka tirsan gobolka Wahigooya, halkaas oo ugu yaraan 14 askari looga dilay askarta Burkiiniyiinta.
Waxay mujaahidiintu weerarkan cagmarinta ah kusoo qaniimeysteen 4 qori oo BKM ah, 1 qori oo RBG ah, 14 qori oo Kalaashinkoof ah, 14 mooto, rasaas fara badan iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah, weerarkan ayaana dhacay axaddii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegnayd 15-ka Shacbaan.
Isla maalintaas, waxay ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam weerar kale oo culus oo cagmarin ah ku qaadeen saldhig ciidan oo Burkiina Faaso ay ku leeyihiin mandiqadda Naasabooni oo ka tirsan gobolka Fadargorma, waxay halkaas ku dileen askar fara badan, inkastoo aysan mujaahidiintu tirakoob rasmi ah soo bandhigin, waxayna soo qaniimeysteen laba qori oo Dhashiike ah, 1 qori oo Hobiye ah, gaar ahaan nooca 120-ka, laba baabuur, saddex qori oo BKM ah, saddex qori oo RBG ah, 14 qori oo kalaashinkoof ah, 5 baalooto oo nooca hoobiyaha loo adeegsado ah iyo kimiyo culus oo rassaas ah iyo gabayo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
Sidoo kale, waxay mujaahidiintu shaaciyeen in isla maalintaas ay dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Burkiina Faaso, iska hor’imaadyada ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxayso deegaanada warghi iyo Tankodogo, waxaana halkaas lagu dilay laba askari oo ka tirsan Riddada, halka lagu soo qaniimeystay laba qori oo Ak47 ah, saddex mooto iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.