Sida ku cad bayaan ay baahisay Jabhal Iclaamiyah oo ah mu’assaso nashrisa filimaanta iyo bayaanadka jamaacaadka islaamiga ah, waxaa Jamaaco jihaadi ah looga dhawaaqay gobolka Kashmiir oo kamid ah dhulka ku jira gumeysiga hinduuska.
Jamaacadan ayaa magaceeda ku sheegtay Ansaar Qazwatul Hindi, waxaana ay sheegtay in hadafkeeda uu yahay in dhulka muslimka ah ee Kashmiir laga xureeyo gumeysiga uu ku jiro, iyadooo la marayo wasiilooyinka sharciga ah oo uu Jihaadka ugu weynyahay.
Bayaan kooban oo ku qoran luuqadda Ingiriiska islamarkaana baraha internetka lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in dadka muslimiinta ee ku nool Kashmiir ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin iyo gumeysi xad dhaaf ah oo uga imaanaya Hinduuska kadib markii muslimiintu ay ka tageen waajibka jihaadka ah.
Amiirka Jamaacadan cusub waxaa lagu magacaabaa Zakir Muusa, sida bayaanka ku qoran, waxaana ay Jamaacadu sheegtay in mu’assasasadeeda iclaamiga ah lagu magacaabo Al-Xurra, islamarkaana mardhow ay baahin doonaan bayaan faafaahsan oo ku aadan Jamaacada.
Waa tallaabo horey loo qaaday sida ay sheegayaan dadka falanqeeyo arimaha muslimiinta, waxaana gobolka Kashmiir ku nool malaayiin muslimiin ah oo wajahaya noocyada gumeysiga iyo xadgudubka.
waa guul usoo hoyatay dadka muslimiintaa