Jamciyadda Al-ixsaan Al-kheyriyah ayaa raashiin qeybin u sameysay 263 qoys oo ku nool 14 deegaan oo wada hoostaga magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Qoys walbo ayaa la siiyay haaf Bariis ah,haaf bur ah iyo caag saliid ah waxeyna dadka ka faa’iideystay deeqda raashinka ahka kala yimaadeen deegaanada kala ah Nuur-Fanax, Booco, Jameeco, Dhagaxya-xoor iyo Dhextaal oo dhamaantood ku yaalla bariga Hiiraan.
Sidoo kale deegaanadaSamatare, Luuq-Dhurwaa, Aqabooy, Yucubka, Durdur, Dooli Xeyle, Luuq Jeelow, Tuulada Garoonka iyo Baladul Amiin oo iyaguna dhaca galbeedka wabiga Shabeelle ee Wilaayada Hiiraan
Halkan Ka Dhageyso Qoysaska Raashiinka Loo Qeybiyay.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Raashiin Qeybinta Duleedka Beledweyne.