Maxkamada WI Jubbooyinka ayaa fulisay xad ka mid ah xuduuda Allaah kaasi oo ka dhacay fagaara weyn oo ku yaala magaalada Bu’aale ee Wilaayadaas.
Fagaaraha Bu’aale waxaa lagu toogtay Lix ruux oo jawaasiis u ahaa sirdoonada kooxda Ridada,Kenya iyo Mareykanka.
Fagaaraha uu Xadkan ka dhacay waxaa soo xaadiray kumanaan ruux oo ah bulshada ku dhaqan degmada iyo deegaanada hoostaga.
Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee Wilaayada Jubbooyinka ayaa goobta fagaaraha ka akhriyay xukunka Maxkamada, Iyadoona markii la guda galay fulinta xukunkane ay si weyn u takbiirsadeen bulshadii fagaaraha ku sugneed.
Magacyada Jawaasiista Fagaaraha Lagu Toogtay.
1-Cabdi Caziiz Xasan Heybe oo ku magac dheer Bensal kaasi oo la shaqeynayay sirdoonka Saliibiyadda Mareykanka.
2-Muxamed Daa’uud Guuliye oo ku magac dheer Jeey kaasi oo la shaqeynayay kooxda Ridada Somalia.
3-Ismaaciil Sheekh Mad Xasan oo ku magac dheer Mucalim Bisbees kaasi oo la shaqeynayay sirdoonka Saliibiyadda Mareykanka.
4-Xasan Ibraahim Muxamed oo ku magacdheer Gidaame kaasi oo la shaqeynayay kooxda Ridada Somalia.
5-Xuseen Mucalim Xasan oo ku magacdheer GBS kaasi oo la shaqeynayay sirdoonka Murtadiinta ee Mareykanka la shaqeeya.
6-Shuceyb Cabdi Rashiid Ibraahim oo ku magac dheer Dhagey kaasi oo la shaqeynayay sirdoonka Saliibiyiinta Kenya.
Calamada.com