Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadanka Afghanistan.
Weerar ka dhacay deegaanka Kowraar ee hoostaga gobolka Loojar ayaa sababay in ay ku dhulka kusoo dhacdo diyaaradda oo ay la socdeen ciidamo American ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayay ku sheegtay in diyaaraddu gabi ahaanteedba ay burburtay islamarkaana waxaa goobta gaaray diyaarado kale oo daabulay dhaawacyo iyo Meydad.
Taliban ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda internetka ku xaqiijisay in diyaaradda ay haleeleen gantaallada garbaha lala gemo oo mujaahidiintu ay dhulka ka rideen.
Dhinaca kale isbaheysiga NATO ayaa xaqiijiyay in Jeneraallo sarsare ay uga dhaawacmeen weerar naf hurnimo oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Qandahaar ee dhaca Koonfurta Afghanistan.
Ururka NATO wuxuu xaqiijiyay in laba sarkaal American ah ay ku dhaawacmeen weerarkii Qandahaar oo gallaaftay nolosha Jeneraal sare oo katirsanaa xukuumadda Kaabul iyo guddoomiyihii gobolka.
Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa iyana xaqiijisay in uu dhaawacmay Gen. Jeffrey Smiley oo ah kormeeraha guud ee ciidanka Mareykanka ee Afghanistan ku duulay.
Wariye katirsan shabakadda CNN ayaa isagoo ku sugan xarunta wasaaradda G/dhigga xaqiijiyay in Gen. Jeffrey Smiley uu dhaawac yahay laguna daweynayo isbitaal gaar loo leeyahay.
Gen. Scott Miller oo ah taliyaha guud ciidanka NATO ee Afghanistan ayaa khamiistii lasoo dhaafay si dirqi ah uga badbaaday isku day dil waxaana la sheegay in uu isku difaacay hubkiisa gaarka ah.
Dagaalyahan mujaahid ah oo katirsan Talibaan ayaa dhax tiimbaday isku imaatin xasaasi ah oo saraakiisha American-ka ah iyo kuwa xukuumadda Kaabuul ay ku lahaayeen Koonfurta Afghanistan waxaana looga arrinsanayay sida laga yeelayo weerarada isdaba joogga ah ee ka imaanaya Taliban.