Kalluumeysatada ka jillaabta xeebaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyin ay ku hayaan doomo iyo maraakiib shisheeye, kuwaas oo xaalufin ba’an ku haya kalluunka.
Waxay sidoo kale sheegeen in maraakiibta ugu badan ee xaalufinta ba’an ku haya xeebaha magaalada Boosaaso ay yihiin maraakiibta Iiraan, kuwaas oo ay sheegeen in shabaagyo waawayn ay soo turaan badda, taasina ay keentay inuu yaraado kalluunka.
Qaar ka mid ah kalluumeysatada oo xeebaha magaalada kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowr jeer ay cabashooyin gubiyeen, loogu jawaabay si jees-jees ah.