Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somaliya ayaa sheegaya in weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya.
Kolanyada Kenyaatiga ah ee kamiinka loo dhigay ayaa ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan kamiinkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kamiinka lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya’waxaa sidoo kale kamiinka dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Kenyaati ah.
Weerarkan dhabba galka ah ayaa imaanaya xilli dagaal culus oo habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Federaalka oo uu ku jira sarkaal sare.
Calamada.com