Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada loogu dhigay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada Hoose.
Kolanyada kamiinka loo dhigay ayaa ku socdaalayay agagaarka deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose’kamiinka ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah lagu gubay labo gaari oo kala ahaa Cabdi Bille iyo mid xamuul ah kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay la heleen qoryaha nooca garbaha laga rido ee RBG-ga.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in sidoo kale kamiinkaasi lagu dilay tiro askar ah oo isugu jirta shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada tiro kalane waa lagu dhaawacay.
Calamada.com