Saraakiil ka tirsan dowladda kaafiradda ah ee Kenya ayaa sheegay in qarax xoogan lagu weeraray gaari ay la socdeen shaqaale dowladeed oo ka tirsan xukuumadda uu fadhigeedu yahay Nairobi, Xilli uu ku socdaalayay qaybo ka mida gobolka Mandhera ee dhulka NFD.
Dowladda Kenya waxay sheegtay inay qaraxaas ku dhinteen ugu yaraan 3 xubnood oo gaalo Kenyaati ah, sidoo kalena ku dhaawacmeen tiro kale oo aysan xaddidin.
Gaarigan la qarxiyay ayay saraakiisha Kenya ku sheegeen in uu ku socdaalayey inta u dhexaysa War-Gaduud iyo Tagabo oo dhaca koonfurta Mandheera.
Marka laga soo tago qiraalka ay bixisay dowladda Kenya ee ku saabsan qaraxan, dhanka mujaahidiinta ma jiro wax war ah oo ku aadan qaraxan.
Qiraalka dowladda Kenya ayaa kusoo beegmaya, wakhti todobadyadii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada iyo shaqaalaha dowladda saliibiyadda Kenya ee ay ka fuliyaan gobollada NFD iyo Lamu.