Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Qaraxan waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka gaala raaca Puntland,iyadoona qaraxaasi uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Sugurre iyo Galgalo ee duleedka magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi lwaxaa agu dilay Labo askari mid kalane waa lagu dhaawacay oo gabi ahaan tooda ah maleeshiyaatka Puntland sidoo kale qaraxaasi waxaa lagu burburiyay gaarigii ay la socdeen maleeshiyaatkaasi.
Inta badan gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso waxaa si xiriir ah kaga dhaca qaraxyada,dilalka iyo weerarada ka dhanka ah maamulka gaala raaca Cabdi Wali Gaas.
Calamada.com