War kasoo baxay R/wasaaraha dowlada Ridada kuna saxiixanyahay R/wasaara ku xigeenka ayaa gabi ahaan wasiirada dowlada Farmaajo looga mamnuucay in wararka xasaasiga ah ku qoraan baraha bulshada lana hadlaan warbaahinta qeyabaheeda kala duwan sida midda la iska arko iyo midda la iska maqlo.
Amarkan ayaa muujinaya in xilligaan khilaaf soo kala dhex galay hogaanka dowlada iyo golaheeda Waziirada,iyadoona warar hoose ay sheegayaan in wasiirada qaar ay si aad ah uga caroodeen amarka la dul dhigay.
Yuusuf Garaad iyo Cabdi Raxman Yariisow oo kala ah wasiirada Arimaha Dibada iyo midda Warfaafinta ayuu si gaar ah amarkaan u saameynayaa kuwaasi oo dhowr war oo iskhilaafsan ka qoray xasuuqii ciidamada Nasaarada Mareykanka ka geysteen deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Labadan wasiir ayaa weerarkii ciidamada Nasaarada Mareykanka ka geysteen deegaanka Bariire ku tilmaamay mi lagu dilay xubno ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,iyadoona meydadka dadkii lagu xasuuqay oo shacab ahaa lagu soo bandhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Akhriso Amarka Ku Wajahan Wasiirada Murtadiinta Ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.