Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay weerar culus oo lala beegsaday kolanyo isugu jirta Saliibiyiinta Mareykanka,Kenya iyo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Kolanyadan isugu jirta gaalada caddaanka iyo Madowga ayaa lagu weeraray duleedka magaalada Kismaayo,iyadoona warar hordhac ah laga helayo weerarkaasi.
Ugu horeyntii qarax culus ayaa duleedka magaalada Kismaayo lagula beegsaday Kolanyadan gaalada Madow iyo kuwa Caddanka isugu jirta waxa uuna qaraxaas geystay khasaara culus oo soo gaartay kolanyadaasi.
Qaraxa kadib ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal toos ah ku qaaday kolanyadaasi kasoo baxday magaalada Kismaayo waxa uu dagaalkan ka qarxay agagaarka deegaanka Buulo gaduud oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Lasoco Waxii Warar Ah Oo Kusoo Kordha Howlgalkaasi.
Calamada.com