Wilaayada Shabeelada hoose waxaa ka dhacay weerar culus oo qaraxyo loo adeegsaday kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Kolanyo maleeshiyaatka Bangarafta oo ah maleeshiyaat si gaar ah ay u tababaratay dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa qaraxyadan lala beegsaday, Waxeyna qaraxyadan sigaar ah kaga dhaceen agagaarka deegaanka Warmaxan ee Shabeelada hoose.
Kolanyada oo ka koobneed Labo gaari ayaa kasoo baxay saldhiga garoonka Bilidoogle waxaana lala beegsaday Labo qarax.
Gaari Cabdi bile ah ayaa qaraxa kowaad lagu gubay midka kalane waxaa lala helay oo waxyeelo xoogan uu gaarsiiyay gaari bulletproof ah.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku baqtiyay Saddex askari oo Bangarafta ah Afar kalane dhaawacyo culus ayaa soo gaartay.
Qaraxydan ayaa kusoo aadaya xilli howlgal Mujaahidiinta ay ka fuliyeen degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ku dileen hal askari oo ka tirsan kooxda Ridada kaasi oo ay kasoo ganiimeysteen qorigii uu ku hubeysnaa.
Calamada.com