Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa sheegaya in weerar xoogan uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamo Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xubno iyo maleeshiyaat Murtadiin ah oo ka yimid dhanka Afgooye kuna sii jeeday Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, ciidamada Mujaahidiinta ayaa gantaallada garbaha laga rido lahelay gaadiidka ay wateen maleeshiyaadka Murtadiinta dowladda Federaalka.
Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sababay in uu rogmado gaari Cabdi Bile ah oo ay maleeshiyaad la socdeen, sidoo kale gaari ay saarnaayeen Haween ka tirsan Dowladda Ridada ayey waxyeello gaartay waxaana la sheegay in haweenkaas ay sahay u geeyeen maleeshiyaad Murtadiin ah oo ku sugan duleedka Afgooye.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari dhiig ka da’ayo oo kolanyada la weeraray ka mid ah isagoo xowli ku socda uu ka gudbay isgoyska Ex.Control Afgooye gudahana u galay magaalada Muqdisho taasi oo muujineysa iney jirto khasaara baaxad weyn oo Murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarkaasi dhabba galka ah.
Calamada.com