Weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Ceelwareegow ee gobalka Shabeelada Hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay qarax ku gubeen gaari Nooca BG-ga ah kaasi oo ah gaadiidka ay shisheeyaha ku qaataan sahayda.
Dadka deegaanka iyaguna dhankooda waxey xaqiijiyeen in marka laga soo tago gubashada gaariga Xamuulka ah sidoo kale ay jiraan tiro askarta Shisheeyaha ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay weeraro xiriir ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose waxaa ciidamada Kufaarta AMISOM dhimasho iyo dhaawac kaga noqday inka badan Toban askari waxaana looga gubay Saddex gaari.
Calamada.com