Qarax miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo marayey deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoona ay soo baxayaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo cadowga ka soo gaaray qaraxaasi.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in qaraxa lala eegtay kolonyo galbineysay Zaad ciidan oo ka soo ambabaxday magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Baraawe ee wilaayada Sh/hoose.
Qaraxa waxaa lagu burburiyey gaari Xamuul ah oo ka mid ah kuwa Konteenarada Xambaara kaas oo ka burburay qeybaha hore, Islamarkaana ay halkaas ku halaagsameen darawalka iyo wixii la socday.
Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray Askar dhowr ah oo hareeraha ka socotay kolonyada kuwaas oo uu ka mid ahaa sarkaal Cadaan ah sida ay noo sheegeen Mujaahidiinta.
Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaya in goobta uu ka dhacay shil ka dib markii gaari si xowli ah u socday oo isla kolanyada shisheeyaha ah uu ku dhacay gaariga Xamuulka ah ee la qarxiyey, islamarkaana uu ka burburay qeybaha hore.
Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa inta badan la kulma weeraro qaraxyo ah oo kaga imaanaya dhanka Mujaahidiinta marka ay isaga kala gudbayaan saldhigyadooda Muqdisho iyo Sh/hoose, waxaana dhiig baxa ugu badan dhadhamiyaan marka ay ku wajahan yihiin saldhigyada ka fog caasimadda sida Baraawe iyo Buula-Mareer.