Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala Sh/hoose, waxay howlgal qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda, oo marayay inta u dhaxaysa deegaannada No/50 iyo No/60.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa Allaah fadligiis ku halaagsamay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada kuffaarta Afrikaanta, halka ay ku dhaawacmeen ilaa saddex kale oo isla kuffaarta ka tirsan.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen xerada WFP ee kutaal degmada Garbahaarreey ee wilaayada islaamiga Gedo, halkaas oo ay degan yihiin maleeshiyo ka tirsan murtadiinta.
Dhanka kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii ciidamada mujaahidiintu ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Waniile ee hoostaga degmada Ceeldheer ee wilaayada Galgaduud, dhimashadu waa laba askari oo murtadiin ah.
Dhaawaca maleeshiyaadka Riddada ayaa dib laga xaqiijiyay in uu yahay 13 askari murtadiin ah oo 3 ka mid ah ay garaab tahay, waxaa xubnaha murtadiinta ah ee ku dhaawacantay dagaalka ka mid ah Maxamed Cabdullaahi Xassan oo ah taliye Urur, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen 5 qori AK47 ah.