Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, waxay weerar xoogan oo dhabba-gal ah u dhigeen kolonyo maleeshiyaad murtadiin ah oo sahay u waday saldhiga ciidamada Maraykanka ee Billi-doogle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkan kamiinka ah oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah kaga dhacay waddada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallan-weyn, waxaana inta la xaqiijiyay hal gaari oo nooca raaxad ah.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka mujaahidiintu weerar abaabulan oo toos ah ku mireen saldhig ciidanka kuffaarta Afikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay ku leeyihiin degaanka Danow ee wilaayada Sh/hoose, kaasoo qayb ka ah weerarada habeen dheelmadka ah ee ay mujaahidiintu ku miraan saldhigyada saliibiyiinta iyo kuwa murtadiinta.