Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha dhul NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya waxay weerar culus oo jidgal ah u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay deegaan dhaca duleedka magaalada Gaarissa.
Howlgalkan dhabba-galka ah waxay ciidamada Mujaahidiintu si gaar ah uga fuliyeen waddada jaayga ah ee isku xirta magaalada Gaarissa iyo xeryaha qaxootiga, waxayna ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ay waxyeello xooggan kasoo gaartay gaari Cabdibile ah oo qayb ka ahaa kolonyada ciidanka Kenya.
Howlgalkan jidgalka ah ayaa kusoo beegmaya, xilli dowladda saliibiyadda ee Kenya ay dhowaan ciidamo fara badan soo dhoobtay deegaannada ku teedsan soohdin beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga hor tagaan howlgallada Mujaahidiinta ee kusii baahaya gudaha Kenya, balse weerarkan jidgalka ah ayaa ka dhigan in ciidamada Mujaahidiinta ay kusii xoogaysanayaan gobollada NFD iyo gobolka Laamu ee ay saliibiyiinta xoogga kaga haystaan muslimiinta.