Guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay qaraxyo xooggan la beegsadeen kolonyo murtadiin ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay gurmadka murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxyada oo ahaa illaa 2 qarax ay si wanaagsan u beegsadeen hadafkooda iyagoo burburiyay 2 gaari oo ka mid ahaa kolonyada murtadiinta ee kusii jeeday deegaanka Baardheere oo ay saaka ciidamada mujaahidiintu cagta ku mariyeen maleeshiyaadka murtadiinta.
Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyay in uu jiro, wallow aan tiro rasmi ah lasoo warin, balse hadba wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa insha’allaah.