Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan Xeebaha gobolka Bari ee dhaca Waqooyi Bari dalka Soomaaliya kooxo hubeysan ayaa xeebaha gobolkaasi ku qafaashay markab shisheeye.
Wararka ka imaanaya xeebaha degmada Caluula ayaa sheegaya in kooxaha Burcad Badeedda ay gacanta ku dhigeen markab weyn oo shidaal kasoo daabulay dhanka wadamada Gacanka.
Guddoomiyaha degmada Caluula ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in rag aad u hubeysan oo watay dooni nuuca dheereeysa ah ay qabsadeen Markab weyn oo uu ka lalamanayay calanka dowladda isku tagga Imaaraadka Carabta.
Burcad Badeedda ayaa Markabka ula dhaqaaqay dhanka xeebta degmada Raascaseyr cirifka fog ee xadbeenaadka dhanka biyaha ay Soomaaliya kala wadaagto wadanka Yemen.
Saraakiil katirsan Maamulka Puntland ayaa diiday in wax faah faahin ah ay ka bixiyaan qafaalkan cusub ee ka dhacay xeebaha dalka Soomaaliya.
Sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ayay kooxaha burcad badeeddu la kulmayeen cadaadis uga yimid Maraakiibta Ururka NATO ee ku sugan Biyaha Soomaaliya.