Maleeshiyada kooxda Fano ee kacdoonka millatari kula jirta dowladda xabashida Itoobiya, ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaan muhiim ah ah oo dhaca goobaha ay ku loollamayaan ciidanka Abiy Axmed iyo kuwa xoraynta dadka Axmaarada.
Warbaahinta raacsan kooxda Faano, waxay sheegtay in maleeshiyaadka Axmaaradu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaan lagu magacaabo Maganan Gondar, oo dhaca waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidanka millatariga dowladda federaalka.
Ilo wareedyo ku sugan gobolka Axmaarada, ayaa dhankooda xaqiijiyay in la wareegitaanka deegaankaasi kaddib ay Fano isku soo dhiibeen 40 askari oo ka tirsanaa millatariga Itoobiya , wallow aan faahfaahin dheeri ah laga bixin halka ay iska soo dhiibeen iyo halka lagu hayo.
Kooxda kacdoonka kula jirta dowladda dhexe ee Itoobiya ee Fano waxay maalmihii lasoo dhaafay lasoo baxday awood ciidanka, iyadoo sheeganaysay in ay awooddeedu kusii siqayso magaalooyin hor leh oo ay gacanta ku hayaan ciidanka millatariga Itoobiya, dhowaan ayay sheegteen inay dileen inka badan 60 askari, deegaanno dhowr ah iyo magaalooyin muhiim ah ayay kooxdan la wareegtay tan iyo billowgii bishan January.