Xiisadda ka dhex aloosan kooxda Riddada ee madaxa ka yahay murtad Xasan Gurguurte iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee uu madaxa ka yahay murtad Siciid Deni ayaa cirka isku sii shareeray, kaasi oo kasoo billowday arrimo la xiriira dastuur gaaleedka ay ku dhaqan kooxda Riddada oo uu xassan Gurguurte ku beddelay mid kale.
Khilaafka labada dhinac ayaa sii xoogaystay, kaddib markii maamulka Siciid Deni uu wafdi heer wasiirro ah u diray dalka Itoobiya, dowladda nasaarada ah ee Itoobiyana heshiis iskaashi la galeen, taasi oo keentay in maamulka Xasan uu ka caroodo warqad heshiiskaasi iskaashi ka dhan ahna soo saaro, wallow aysan arintaasi ugub ku ahayn oo dadka Soomaaliyeed ay ka wada dharag-sanyihiin in maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ah ee ka jira dalka Somalia ay dhammaantood hoostagaan xabashida. masiirkoodana halkaas laga hago, balse khilaaf siyaasadeed oo ku aadanaa hanaanka loo maray heshiiskii badda oo kooxda Ridada kala dhaxeeyay Itoobiya uu keenay in Deni lagu mucaarado iskaashiga uu la galay Itoobiya.
Kooxda Xasan Sheikh ayaa amar ku bixisay in la xiro qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garowe iyo Hargaysa, kaddib iskaashiga uu maamulka Deni la galay Itoobiya, balse waziirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid ayaa si adag uga jawaabay hadalka kooxda Riddada, isagoo sheegay in xukuumadda Riddada ah aysan ku dhicin inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ee magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa, dhankeeda Somaliland ayaa warka kasoo yeeray kooxda Riddada ku tilmaantay mid aan fulayn oo aan soo dhaafi karin miiska lagu gaaray.