Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-degtay, sidoo kalena saxiixday heshiis qayb ka ah boobka lagu hayo badda umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo ay la gashay dowladda Riddada ee Turkiga, oo dowlad xubin wayn ka ah isbahaysiga saliibiga ah ee Nato ee uu Maraykanku hoggaamiyo.
Heshiiskan oo qayb ka ah heshiisyada sharci darrada ee kooxda Ridadu ku xaraashayso khayraadka Soomaaliya, ayaa markii ugu horraysay 9-kii bishan Febeuary lagu kala saxiixday Ankara oo ah caasimadda Turkiga, kadib markii halkaas looga yeeray waziirka gaashaandhigga kooxda Riddada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaa Ankara kusoo dhaweeyay dhiggiisa Turkiga, Yasar Guler, kaas oo dabadhilifkan ka saxiixday heshiis ay u huwiyeen iskaashi difaac iyo mid dhaqaale.
Markii heshiiskan dhagarta ah waziirka gaashaandhigga Riddada looga soo saxeexday Ankara, golaha waziirdada ee xukuumadda Riddada ayaa maanta la horgeeyay, si ay u meel mariyaan, kulanka oo uu hir guddoominayay murtad Xamze Cabdi Barre ayaa ka dhacay Muqdisho, waxayna ku meel mariyeen heshiiskii lagu soo kala saxiixday Ankara.
Intaas kaddib, waxaa baarlamaanka Riddada la geeyay heshiiskan, si ay markooda u ansixiyaan, waxaana la sheegay inay xildhibaannada Riddada oo warbaahinta dibad joog ay ka ahayd ay gacan taag ku ansixiyeen, walow xildhibaano ka tirsan Riddada ay sheegeen inaysan saxiixin heshiiskan, sababo ku aaddan inaan baarlamaanka loo caddayn waxa uu heshiiskan yahay, halka qaarna ay gacanta iska taageen iyagoon ogayn waxa uu heshiisku yahay.
Xamze Cabdi Barre, ayaa ku faanay heshiiskaan bad-boobka ah, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu u tahay maalin taariikhi ah, Xassan Gurguurte ayaa dhankiisa muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay in heshiiskaan uu yahay mid difaac iyo mid dhaqaale, uuna dhigayo in lagu ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, ciidamo badna loogu dhisayo, heshiiskan ayaa noqonaya mid kale oo kooxda Riddada Soomaaliya ay ku xaraashtay badda Soomaaliya, sida ku xusan heshiiska waxaa %30 dakhliga kasoo xarooda badda yeelanayso dowladda Turkiga.