Kooxda Riddada Soomaaliya oo tan iyo markii uu billowday sannadkaan 2024 galaysay heshiisyo sharci darro ah oo lagu boobayo khayraadka umadda Soomaaliyeed, ayaa markale gashay heshiis Imaaraadka u oggolaanaya in uu boobo khayraadka kalluunka ee ka buuxa xeebaha Soomaaliya.
Dowladda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho waxaa heshiiskaas u saxeexay murtadka ugu magacaaban wasiirka kalluumeysiga, Axmed Xasan Aadan, kaasi oo heshiis rasmi ah la gelay shirkadda dekadaha Abuu Dubaay ee lagu magacaabo Abu Dhabi PORTS Group.
Kooxda Riddadu waxay sheegtay in heshiiskan uu yahay mid dhigayo in shirkadan Imaaraatiga ay horumariso dekadaha kalluumeysiga, dhisto xarumo iyo saldhigyo kormeerb ku sameeya kalluumeysiga Soomaaliya iyo in la dhiso dekado kalluumeysi sida ay hadalka u dhigtay.
“Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Somalia anagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qeybta kalluumeysiga,” waxaa sidaas yiri Maxamed Jumca Al Shamisi, oo ah maareeyaha Guud ee kooxda Dekedaha ee Abu Dubaay.
Kooxda Riddada ayaa sidoo kale heshiisyo sharci darro ah oo dhanka badda ah kula jirta dowlado kale, kuwaas oo ay ugu dambeysay dowladda Riddada ah ee Masar.